M. Weyrax: Aniga iyo xanuunka Covid-19.

0
197
Mohamood Abdirashid Weirah. Qoraha maqaalkan.

Muddo 8 cisho ka hor ah ayaan dareemay madax xanuun siyaado ah. Kadib waxa ii xigay sanka oo cabursan iyo wax xoogaa qufac ah oo aan dareemay. Intaa kadib, waxaan isku arkay inaan lumiyay dareenkii urta iyo dhadhanka. Tusale ahaan cadar ayaan ku shubay gacantayda . Balse waxba iima urayn!.

2 cisho kadib, waxaa isla calaamadihii aan isku arkay oo kale yeelatay xaaskayga. Kadib 2-dii bishan April ayaa maray baaritaanka xanuunka(Test). Jawaabtii waxaan helay 3-dii April. Waxeyna noqotay inuu i hayo xanuunka covid-19. Xaaskayga iyadana sidoo kale waxaa laga helay xanuunkii.

Wax kasta oo Allah SWT keeno waa alhamdulillah, balse waxaa muhiima ah in qofku ku sabro. Waxaana rajeynayaa in anaga iyo dhammaan umadda caalamka ku xanuunsan, in Allah SWT uu caafimaad siiyo. Sidoo kalena intiina caafimaadka qabto uu ka ilaaliyo xanuunkan aafada ah.

Waxaan jeclaystay inaan wacyi galin kooban la wadaago walalaha maqaalkan akhrisan doona:

Waynu ogayn calaamadaha guud ee xanuunkan oo u badan Qufac, Xummad/Qandho iyo neefta oo ku qabata. Balse waxa ayaamahan soo raaca dad aan qufac badan lahayn. Balse leh madax xanuun siyaado ah, urta iyo dhadhanka oo ka tagaya.

Marka walaal haddii aad isku aragto madaxa oo aad ku xanuunaya, urta iyo dhadhanka oo iyaguna si kadisa kaaga tagaya. Fadlan la xidhiidh hay’adda caafimaadka. Haddii aanad fursad u helin in lagu baadhana, waxay ku fari doonaan inaad gurigaaga joogto muddo. Muddadaasna wixii daruuri ah waad u bixi kartaa adiga oo ka taxadiraya inaad dadka u dhowaato.

Inbadan oo dadkeena kamida ayaa ku odhanaya » Aniga hargab weeye waxan ee maxaan ka wacayaa hay’adda caafimaadka «. Arrintaasina waa qalad aad u wayn. Sidaa awgeed haddii aad calaamado hargab caadi ah xataa isku aragto, fadlan gurigaaga joog ilaa wixii daruuri ah mooyee. Waxad arrintaas ku badbaadin kartaa naftaada iyo dad kale oo badan.

Waa muhiim inaan u hoggaansano awaamirta hay’adda caafimaadka ee kala duwan.

Sidoo kale  Allah SWT ayaa quraankiisa ku yidhi “ Haddii qof badbaadiyo hal naf , waxay ka dhigantahay inuu badbaadiyay dadka oo dhan ” Surat Al Maida .

Tusaale ahaan, laga bilaabo sabtidii 28-dii Maarso ilaa maalintii jawaabta aan helay 3 -dii April, aad ayaan u taxadirayay. Hospital sawir MRI ah igula ballansana 30-a Maarso, waan kansalay(Baajiyay balantiisa).  Waxaan ku faraxsanahay in dad badan uu Ilaahay SWT sabab iiga dhigay inay ka badbaadaan aafadan.

Waxan fursaddan uga faaidaysanayaa inaan u mahadceliyo ehelka iyo asxaabta adduunka oo dhan iyo magaaladaydan Bergen ee soo duceynaya .

Waxan sidoo kale u mahadcelinayaa hay’adda caafimaadka oo howl culus oo muhiim haysa .

Fadlan anaga, iyo dhammaan umadda xanuunsan ha ka illaabina ducooyinkiina.

Waad mahadsantihin

W.Q: Mohamood Abdirashid Weirah

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments