tirsdag, april 23, 2024

Oslo: Dhamaan iskuulada iyo xarumaha xanaada oo la xiri doono, wixii ka bilowdo isniinta.

Maamulka magaalada Oslo ayaa go´aan ay daqiiqado kahor soo saareen ku sheegay inay wixii ka bilowdo maalinta isniinta ah( 16-ka maarso), albaabada loo laabi doono dhamaan iskuulada iyo xarumaha xanaanada caruurta(Barnehage). Si looga hortago faafista cudurka Corona-virus.

Dugsiyada sare(Videregående) iyo kuwa dhexe(Ungdomskole) ayay maamulka degmada Oslo sheegeen in la xiri doono wixii ka danbeeyo Jimcaha beri ah(13-ka maarso).

Waxeyna maamulka Oslo ka codsadeen waalidiinta dhalay ilmaha iskuulada dhigto, inay guryaha ku hayaan ilaa ay xaaladu iska badaleyso.

Xiritaanka iskuulada ayaa kamid ah qodobo ay isla qaateen maamulka Oslo, si lagu xakameeyo faafitaanka caabuqa Corona Virus.

Waxeyna dadweynaha ugu baaqeen in la joojiyo kulamada ay isugu imaanayaan dad ka badan 50 qof.

Marka laga tago Oslo, waxaa jiro degmooyin kale iyagana go´aansaday in iskuulada iyo xarumaha xanaanada la xiro.

Xigasho/kilde: Stenger alle skoler og barnehager i Oslo

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x