lørdag, april 20, 2024

Norway: Tirada dadka laga helay Corona-virus oo 2000 dhaaftay.

Tirada dadka laga helay xanuunka Corona-virus ayaa maanta dhaaftay 2000 qof, waxaana ilaa hada cudurka laga helay 2086. Dhimashada ayaa ilaa hada inta laga diiwaangaliyay Norway mareyso 7 qof, waxaana isbitaalka yaala oo xanuunku uu dhulka dhigay 183 qof.

28 qof oo kamid ah 183 qof ee isbitaalka la dhigay ayaa ah kuwo ay ku xiranyihiin mashiinka dadka neefta siiyo, kadib markii uu cudurka ka hor istaagay inay si caadi ah neefta u qaataan.

Tirada dadka maanta oo kali ah laga helay Corona-virus ayaa maanta gaareyso 86 qof.

Halkan ka fiiri liiska gobolada ay joogaan dadka caabuqa laga helay:

Xigasho/kilde: VG

Xigasho/kilde: Over 2.000 smittet av korona-virus i Norge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x