101 jir ka caafimaaday cudurka Coronavirus.

0
111

Nin u dhashay dalka Talyaaniga oo ay da’diisu tahay 101 jir ayaa noqday ninki ugu da’da weynaa oo ka caaafimaado cudurka Coronavirus.

Dalka Talyaaniga ayaa noqday dal uu ku habsaday masiibada cudurka safmarka ee Coronavirus. Haddana dalkaasi waxaa ka soo baxaya warar la yaab leh oo muwaaddiniinta dalkaasi ididiilo ku abuuraya.

Oday 101 jir ah oo ku noolaa magaalada Rimini ee Waqooyiga Bari ee dalka Talyaaniga waxaa haleelay cudurka Coronavirus.

Muddo marki cudurka laga dabiibayey Khamiisti ayuu isbitaalka ka baxay isaga oo caafimaad qaba.

Odaygan naaneystiisa looga yeero lagu soo gaabiyey ‘P’ inuu caafimaaday waxaa warbaahinta la wadaagay duqa magaalada Rimini Gloria Lucy.

«Runti waa arrin aan la aamini karin, odayga da’da ah inuu cafimaadana raja aad u weyn ayey nagu abuureysaa» ayey tiri Gloria Lucy

«Mr ‘P’ isaga oo uu caafimaadkiisa taam yahay ayuu dib ugu laabtay gurigiisa» ayeyna sii raacisay.

Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, fadlan riixi halkan: Barteena Youtube: NorSom TV, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments