fredag, april 26, 2024

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub oo Norway mar kale ku xukuntay 2 kiis oo barnevern ah.

Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ee fadhigeedu yahay dalka Faransiiska, ayaa maanta u fadhiisatay sadex kamid ah 30 kiis oo dowlada Norway ka yaalay maxkamada.

Maxkamada xuquuqul insaanka ayaa labo kiis ku xukuntay dowlada Norway, waxaana Norway danbi lagu waayay kiiska sadexaad.

Maxkamada Xuquuqul insaanka ayaa dowlada Norway ku xukuntay inay jabisay qodobka 8-aad ee xeerka xuquuqul insaanka Yurub, kuna saabsana ilaalinta xuquuqda asaasiga ah ee qofku uu u leeyahay nolol qoys ahaaneed oo gaar ah.

Qoysaska kiiska loo xukumay ayaa waxaa loo xukumay lacag magdhow ah oo 600.000 kr gaareyso.

Waxeyna kiisaska dowlada Norway ilaa hada la xukumayay gaarayaa 6 kiis, iyada oo ay dhimanyihiin 27 kiis oo wali aysan maxkamadu dhageysan.

Xigasho/kilde: Norge dømt i to barnevernssaker.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x