onsdag, april 24, 2024

Masaajida Oslo oo qaarkood albaabada loo xirayo.

Wasaaradda caafimaadka Norway, hey´addaha daryeelka caafimaadka dadweynaha iyo maamulada degmooyinka, ayaa ilaa shaley ka digayay in la baajiyo kulamada ay isku imaadaan wax ka badan 50 qof, si looga hortago faafitaanka cudurka Corona.

Shir ay shaley yeesheen gudiyada maamulada masaajida muslimiinta Norway iyo maamulka dalada ururada muslimiinta Norway, ayay ku go´aansadeen in la joojiyo isku imaadka salaadka jimcaha ee masaajida muslimiinta. Si looga hortago faafista cudurka Corona.

Qaar kamid ah masaajida waaweyn ee Oslo, ayaa iyagana go´aansaday inay albaabada u xiraan masaajida, ilaa inta ay meel u dhaceyso xaalada faafitaanka caabuqa Corona oo hada si xowli ah ku fidiyo.

Sida ay bogoosa kusoo qoreen dalada ururada islaamiga ah ee Norway, waxaa ilaa hada go´aansaday in masaajida xiraan, sadex kamid ah masaajida waaweyn ee Oslo.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x