torsdag, april 25, 2024

Bergen: Iskuulada iyo «barnehegayaash» waa xiranyihiin, wixii ka bilowdo Jimcaha/isniinta.

Go´aan kasoo baxay maamulka degmada Bergen oo kamid ah magaalooyinka waaweyn ee Norway, ayaa lagu sheegay in wixii ka bilowdo jimcaha beri ah(13-ka maarso), ay xiranyihiin iskuulada dhexe iyo dugsiyada sare ee magaaladaas kuyaal. Si looga hortago, loona xakameeyo faafitaanta caabuqa Corona.

Sidoo kale dugsiyada hoose ee caruurta iyo xarumaha xanaanada ayay maamulka Bergen sheegeen in albaabada loo laabi doono, wixii ka danbeeyo maalinta isniinta ah ee 16-ka bisha Maarso.

go´aanka maamulka degmada Bergen ayaa daba socdo go´aamo ay maanta qaateen inta badan degmooyinka waaweyn ee Norway, kuwaas lagu rabo in lagu xakameeyo faafitaanka caabuqa Corona.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x