lørdag, april 20, 2024

5 qof cusub oo maanta Corona-virus u dhimatay Norway.

Sida ay xaqiijiyeen laamaha caafimaadka Norway, waxaa maanta geeridooda la xaqiijiyay shan qof oo cusub u dhintay xanuunka Corona-virus. Tirada dadka Corona-virus u dhintay Norway ayaa hada noqoneyso isku dar 19 qof.

Dad lagu qiyaasay 3721 qof ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inuu xanuunkan ku dhacay, waxaana isbitaalka yaalo oo xanuunku uu soo riday 302 qof.

76 qof oo kamid ah dadka isbitaalka xanuunkan u yaala ayaa ah dad ay neeftu ku dhegtay, oo uu ku xiranyahay mashiinka neefta, kadib markii ay neefsan kari waayeen si caadi ah.

Si aad u daawadato wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, fadlan riix halkan, kadibna Subcribe saar(Abonner).

Xigasho/kilde: Fem nye coronadødsfall meldt i Norge fredag

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x