onsdag, april 24, 2024

Hooyo loo maxkamadeynayo inaysan wiilkeeda u cadayin: 16 ilig ayaa laga soo saaray.

Haweenay 30-sano jir ah oo degan magaalada Västernorrland ee dalka Sweden ayaa ku eedeysan in mudo afar sano ah aysan u cadayin wiil ay dhashay oo yar, iyada oo ugu danbeyn qaliin lagu sameeyay wiilka, looga soo saaray 16 ilig, nadaafad xumo darteed.

U cadey la’ aanta wiilka yar ayuu xeer ilaaliyaha kiiskan sheegay inay sababtay inuu qaado infeksjon ilkaha iyo afka ah, taas oo ugu danbeyn sababtay in lagu sameeyo qaliin ilkaha ah, loogana soo saaro 16 ilkood .

Hooyadan ayaa ku eedeysan inay wiilkeeda kula kacday tacadi iyo darxumo, ayna arintan u sameysay si u kas ah. Waxaana lagu eedeeyay inay wiilkeeda marsiisay xanuun iyo rafaad, nadaafad xumo darteed.

Waalidka uu ilmaha la noolyahay ayaa masuul ka ah nadaafada ilkaha ilmaha, inta ay ka buuxinayaan 10 sano.

Xigasho/kilde: Mor tiltalt: Børstet ikke sønnens tenner

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x