tirsdag, april 23, 2024

Denmark: Haweenay lagu waayay danbi ah inay xiriir galmo la sameysay soomaali xanuunsan.

Maxkamada racfaanka ee magaalada Viborg ee dalka Denmark, ayaa haweenay 58-jir ah ku weysay danbi horey loogu xukumay oo ahaa inay xiriir galmo oo qasab ah ay la sameysay nin soomaali ah oo ku jiray xarun lagu daaweeyo dadka dhimir ahaanta u xanuunsan.

Haweeneydan oo baratay cilmi-nafsiga ayaa madax ka aheyd xarunta ninkan soomaaliga ah lagu hayay, iyada oo masuul ka aheyd dadka halkaas kujiro. Waxaana lagu eedeeyay inay si qaldan uga faa´iideysatay awoodeeda booska shaqada, iyada oo ninkan soomaaliga ah oo da´ahaan lagu sheegay 40-meeyo jir ku cadaadisay inuu la sameeyo galmo uusan raali ka aheyn isagu.

Falkan ayaa ka dhacay guri ay leedahay haweeneydan 58-jirka ah. Waxaana eedeynta xeer ilaalintu ay haweeneydan usoo jeedisay kamid ah, in iyadu ay aheyd qofka kali ah ee bixin kara amarka ah in qof kujiro xarunta oo ka bixi karo goobtaas.

Ninkan soomaaliga 40-meeyo jirka ah ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay guriga haweeneydan, oo ay ka horeysay casho ay wada qaateen, uu dareensanaa inay haweeneydan cadaadis ay ku saartay inay sameeyaan xiriir galmo ah.

Maxkamada hoose ee magaalada Viborg ayaa sanadkii 2018 haweeneydan ku xukuntay 4 bilood oo xabsi ah, waxaana laga qaaday ogolaanshaha(leysinka) inay ka shaqeyso xarumaha lagu hayo dadka maskax ahaanta u xanuunsan.

Haweeneydan ayaa isla markiiba racfaan ka qaadatay xukunka maxkamada, waxeyna dacwad racfaan ah u gubbisay maxkamada sare ka qaadatay maxkamada gobolka ee deegaankaas. Taas oo hada mar kale dib ugu noqotay kiiska eedeynta, iyada oo haweeneydaas ku weyday danbiga lagu xukumay, waxaana lagu waayay inay gashay danbiga lagu eedeeyay.

Garsoorayaasha maxkamada racfaanka ayaa sheegay in sharaxaada uu ninkan soomaaliga ah ka bixiyay dhacdadaas, aysan isku toosneyn ama ay waxyaabo ka dhimanyihiin.

Xigasho/kilde: Leder af bosted frifundet i sag om sex med psykisk syg beboer.

Xigasho/kilde: Kvindelig leder af bosted dømt for sexmisbrug

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x