Baarlamaanka Norway oo meelmariyay deyn Soomaaliya lagu caawinayo.

0
80
foto: Stortinget.no

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa maanta meelmariyay qeyb kamid ah isbadal lagu sameeyay miisaaniyada sanadkan 2020 ay ku shaqeyn doonto xukuumada ay hogaamiso reysulwasaare Erna Solberg.

Baarlamaanka Norway ayaa cod mid ah ku ansixiyay soo jeedin ka timid wasaarada arrimaha dibadda Norway, kuna saabsan in Norway ay deyn kumeel gaar ah ku caawiso Soomaaliya, si Soomaaliya ay ugu fududaato buuxinta shuruudaha deyn cafinta.

Deyntaas ayaa dhan 400 milyan oo dollar, waxeyna Norway si toos ah ugu shubi doontaa koontada Bankiga aduunka, inkasta oo heshiiska deynta uu ka dhaxeeyo Soomaaliya iyo Norway.

Xigasho/kilde: Norske Stortinget har i dag vedtatt overgangslån til Somalia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments