fredag, mars 29, 2024

Laamaha caafimaadka oo telefoon gaar ah u sameeyay warbixinada Hargabka Corona.

Hey´adda caafimaadka dalkan Norway ayaa sheegtay inay telefoon gaar ah u sameysay dadweynaha raba inay ogaadaan warbixino la xiriira Viruska hargabka Corona ee dhawaan lagu arkay Norway.

Hey´adda ka shaqeysa caafimaadka dadweynaha ayaa sheegtay inay numberkan u sameeyeen, si ay culeyska uga qaadaan numberada gargaarka ah deg-dega ah oo shaley dhowr mar khadka laga saaray, wicitaanka dadweynaha oo badnaa owgeed.

Laamaha caafimaadka ayaa dadka raba inay ogaadaan warbixino la xiriira hargabka Corona ka codsaday inay soo wacaan numberkan: 815 55 015, intii ay wici lahaayeen numberka gargaarka deg-dega ah ee 113.

Waxeyna dadweynaha ku dhiirigaliyeen inay akhriyaan warbixinada laga heli karo internetka, kahor inta aysan soo wicin numberkaas.

Dadka isaga shaki qaba inuu ku dhacay hargabka ayaa lagu dhiirigaliyay inay wacaan xarunta «legevaktaha» ama dhakhtarkooda gaarka ah.

Xigasho/kilde: Åpner informasjonstelefon for spørsmål om coronavirus

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x