torsdag, april 25, 2024

Norway: Wadaad yiri: Lacag noo dir, aan hargabka Corona kaa xijaabnee.

Waxaa dalalka Yurub, gaar ahaan dalalka lagu arkay viruska hargabka Corona, ka jirto cabsi xoogan oo ay dadweynaha ka qabaan cudurkaas. Waxaana taas barbar socdo dad raba inay ka faa´iideystaan cabsida dadweynaha, si ay lacago uga sameeyaan ama siyaabo kale uga faa´iideystaan.

Dalkan Norway, TV ay leeyihiin koox wadaado ah masiixiyiin ah ayaa xaley barnaamij muuqaal ah dadweynaha ka codsaday inay lacag ku taageeraan dariiqadadooda, si iyaga iyo caruurtoodaba ay uga xijaabaan khatarta viruska hargabka Corona.

Wadaad lagu magacaabo Dionny Baez oo sheegta inuu yahay Nabi dadka uga shafeeco qaado ilaahay, ayaa dadweynaha barnaamijka daawanayay ka codsaday inay lacag dhan 2020 kr usoo diraan, si uu ilaahay ugu baryo in in cudurkaas uusan ku dhicin qofka lacagta soo diray iyo caruurtiisaba.

Dad badan ayaa arintan ka muujiyay xanaaq, waxeyna sheegeen in wadaadkaas uu si khiyaano ah u adeegsanayo macaga masiixiyada iyo awooda ilaahay, isaga oo dadweynaha u balanqaadayo wax uusan awoodin.

Dhakhaatiirta aqoonta u leh faafitaanka cudurada ayaa iyagana dhankooda sheegay in ninkaas uusan awoodin, waxa uu sheeganayo oo ah inuu cudurka ka xijaabo karo inuu qof kale ku dhacdo.

Arintan ayaa ah mid maanta aad looga hadalhayo warbaahinta guud ahaan warbaahinta Norway.

Xigasho/kilde: Ba folk donere penger til Visjon Norge for coronavirus-beskyttelse

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x