torsdag, april 25, 2024

PST-da Norway oo xabsiga dhigay haweeneydii Siiriya laga soo qaaday.

Waxaa xaley fiidkii Norway laga soo dajiyay haweeneydii heysatay dhalashada dalkan Norway, horeyna ugu mid aheyd ururka Daacish iyo labadeeda caruurta ah. Sirdoonka Norway oo garoonka diyaaradaha ku sugayay haweeneydan ayaa xabsiga dhigay isla xaleyba, iyaga oo ka watay albaabka garoonka diyaaradaha laga soo dajiyay.

Xiritaanka haweeneydan ayaa aheyd mid horey loo sii ogaa, qareenkeeduna uu ka warqabay, maadaama haweeneydan ay ku eedeysneyd danbiyo ay kamid yihiin kamid noqoshada urur argagaxiso iyo ka qeybqaadashada howlo argagaxisnimo.

Labada caruurta ah ayaa waxay boolisku sheegeen inay heleyaan caawinta ay u baahanyihiin, waxaana ilmaha la geeyay isbitaalka Ullevål, halkaas oo lagu marsiinayo baaritaano caafimaad oo kala duwan. Qoyska haweeneydan, qareenkeeda iyo hey´adda barnevernka ayaana arintan iska kaashanayo, sida uu qareenku u sheegay warbaahinta.

Hey´adda sirdoonka ayaa sheegay inay haweeneydan wareysan doonaan maalinta axadda ah, ayna isniinta soo taagi doonaan maxkamad, si loogu ogolaado inay xabsiga kusii hayaan.

Qareenka haweeneydan ayaa isna dhankiisa sheegay inuu maalinta Axada qaban doono shir jaraa´id.

Xigasho/kilde: PST etter pågripelsen av terrorsiktet kvinne: – Endrer ikke trusselbildet i Norge.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x