fredag, april 26, 2024

Germany: Wiil soomaali ah oo aabihiis dilay.

Sida ay soo tabinayaan warbaahinta lokalka ah ee magaalada Hamburg ee dalka Germany, wiil soomaali ah oo da´diisa lagu sheegay 17 sano ayaa shaley maqribkii aabihii ku dilay magaaladaas.

Booliska oo goobta uu falka naxdinta leh ka dhacay gaaray daqiiqado kadib, marka ay heleen fariinta dhacdadan, ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen wiilkii falka argagaxa leh geystay. Hadana uu xabsiga kujiro.

Warbaahinta lokalka ah qaarkeed ayaa qoreyso in wiilka soomaaliga ah ee falka ka danbeeyay uu dilka aabihii oo 57 jir ahaa u adeegsaday mindi ama toori.

Qaar kamid ah soomaalida magaalada Hamburg oo aan la xiriirnay ayaa magaca marxuumka soomaaliga ah ee wiilkiisu uu dilay noogu sheegay Nuur Faarax Xuseen.

Xigasho/kilde: NDR.DE

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x