fredag, mars 29, 2024

UDI-da oo cadaadis kadib ka noqotay go´aan tarxiil ah oo ay haweeneydan ka gaartay.

Laanta socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dowlada Norway, ayaa ka noqotay go´aan ay isbuucii hore ka gaartay haweenay dhakhtar ah oo u dhalatay dalka Iiraan. Ahna hooyada gabar lix bilood jir ah oo Norwiiji ah.

Mahsa Aghabararian oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ku nooleyd Norway, heysateyna ogolaanshaha shaqada, ayaa warbaahinta Norway la wadaagtay go´aan ay sheegtay inuu cabsi galiyay nolosheeda. Maadaama lagu amray inay Norway isaga baxdo, ayna ka tagto gabadheeda oo lix bilood jir ah, walina ay nuujiso.

UDI-da ayaa haweeneydan ku eedeysay inaysan u hogaansamin xeerarka soo galootiga, kadib markii ay furatay shirkad ganacsi oo u gaar ah. Taas oo sababtay in lagu amro inay wadanka isaga baxdo, inkasta oo ay isguursadeen, gabarna wada heystaan nin norwiiji ah.



Sheekada gabadhan ayaa isbuucii lasoo dhaafay aad looga hadalhayay warbaahinta Norway, waxaana kiiska dhakhtaradan ka hadlay siyaasiyiin magac leh. Iyada oo UDI-da ka codsaday in kiiskan ay dib ugu noqdaan.

UDI-da ayaa qeylo badan iyo cadaadis kadib sheegtay inay dib ugu noqoneyso kiiska dhakhtaradan, waxeyna shaley sheegeen in haweeneydan ay u ogolaadeen inay sii hooto Norway, ayna la noolaato gabadheeda iyo ninkeeda.

Mar kale ayuu kiiskan muujinayaa sida go´aanada hey´addaha dowlada ee caadi ahaan madax banaan ay saameyn ugu yeelato qeylo-dhaanta siyaasada.
Xigasho/kilde: UDI med snuoperasjon: Får bli i Norge
Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x