Sweden: Wadaado ay dowladu musaafurin rabtay oo racfaan qaatay.

0
153

Sadax imaam oo hey´adda nabadsugidda Sweden ee Säpo ay codsatay in dalkaas laga musaafirayo ayaa racfaan ka qaatay go’aanka musaafirinta.

Qareenka mid ka mida imaamada ayaa sheegay in shaley uu gudbiyay codsiga racfaanka ee imaamka uu wakiilka u yahay, halka labada imaamee kale ay horey u gudbiyeen racfaankooda.

Qareenka ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay raggan ay yihiin kuwo aan cadeyn, isla markaana ay adagtahay in la difaaco sharci ahaan.

Säpo ayaa imaamadan oo ka howl-gala Umeå, Gävle iyo Västerås ku eedeysay iney qeyb ka geysteen koboca bey’adaha xagjirka.

Waxey aheyd sanadkii hore markii la soo qabtay lix qofood, waxaana qabashadooda loo adeegsaday sharciga baaritaanka ajaaniibta Sweden. kaas oo hey´adda nabad sugida awood u siinaya inay codsato in qof wadankaas laga tarxiilo, hadii ay jirto khatar dhinaca amniga guud ee qaranka ah.

Xigasho/kilde: Sveriges-Radio-Qeybta afka soomaaliga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments