Maxkamada X.I Yurub oo aqbashay dhageysiga 16 dacwadood oo ka dhan ah barnevernka Norway.

0
85
Maxkamada sare ee xuquuqul insaanka Yurub. Foto: Wikipedia

Maxkamada Xuquuqul insaanka Yurub ayaa aqbashay dhageysiga 16 dacwadood oo ka dhan ah hey´adda ilaalinta xanaanada caruurta ee Barnevernka-ka dalkan Norway. Waxeyna dowlada Norway ka sugeysaa jawaabo la xiriira kiisaska ay aqbashay dhageysigooda.

Maxkamada ayaa horey dhageysi ugu waday 10 dacwood oo ka dhan ah barnevernka Norway, waxeyna hada isku dar tirada dacwadaha ka Dhanka ah Norway ee Yaala maxkamada noqonayaan 26 dacwadood.

Shirkada: Nala soo xiriir, ama riix sawirka, si aad u hesho macluumaad dheeri ah.
Waxaa noo shaqeeyo turjubaano soomaali ah.

Maxkamada xuquuqul insaanka oo fadhigeeda uu yahay magaalada Strasbourg ee dalka France ayaa ah mida ugu sareysa ee lagu qaado dacwadaha la xiriira xuquuqul insaanka Yurub oo dhan. Waana mid Aad looga tixgaliyo go´aanada ay gaaraan, maadaama ay aqbalaan dhageysiga kiisaska masiiriga ah ee adag oo kali ah.

Wasiirka qoyska Norway, Kjell Ingolf Ropstad ayaa sheegay inaysan wali soo gaarin codsiga jawaabta ee maxkamada, balse ay dowladu arintan si dhab ah u qaadan doonto, isaga oo la kaashan doono qareenka guud ee dowlada.

10-ka kiis ee hore loogu gudbiyay waxaa kamid ah kiiska hooyo soomaali ah oo barnevernka Norway ay kala wareegeen ilmo ay dhashay. Halkan kasii akhri warkaas.

Dacwadaha loo gudbiyo maxkamada xuquuqul insaanka ayaa ah kuwo kasoo dhamaaday dhamaan heerarka kala duwan ee maxkamada wadaniga ee dalka laga gudbiyay.

Xigasho/kilde: Dagbladet: Menneskerettsdomstolen i Strasbourg krever svar fra Norge i nye 16 barnevernssaker. Totalen er nå 26.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments