Maxkamada racfaanka oo diiday codsiga nin sanadkii 2008 dilay aabe soomaali ah

0
140
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada racfaanka gobolka Trøndelag ayaa diiday codsiga nin 11 sano kahor deegaanka Heimdal ee gobolka Trøndelag ku dilay aabe soomaali ah.

Maxkamada hoose ayaa sanadkii 2009 ninkan ku heshay danbiga dilka aabaha soomaaliga ah, balse maxkamadu sheegay in maskax aha uu xanuunsanyahay. Badalkii xabsiga, waxeyna maxkaamdu ninkan ku xukuntay in si qasab ah lagu dhigo isbitaalka dhimirka ee lagu hayo dadka maskax ahaan xanuunsan ee danbiyada geystay.

Ninkan ayaa bishii august ee sanadkii 2008 xaafada Heimdal ee ku dilay aabe soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Jamaal Shirwac.

Ninkan ayaa sanadkii 2013 maxkamada racfaanka u gudbiyay codsi uu racfaanka kaga qaadanayo xukunka koowaad ee maxkamada. Wuxuuna sheegay in caafimaad ahaan uu fiicanyahay, isaga oo codsaday in laga daayo daaweynta qasabka ah ee isbitaalka dhimirka.

Maxkamada racfaanka ayaa diiday codsiga ninkan, waxeyna go´aankeeda ku saleysay in hadii ninkan laga joojiyo daaweynta qasabka ah, uu mar kale ku kici karo fal danbiyeed halis ah.

Xigasho/kilde: Mannen som drap ein somalisk familiefar på Heimdal i 2008, Må fortsatt til behandling.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments