Haweenaydan: Sanad kadib markii wadanka laga saaray ayaa loo ogolaaday magangalyo.

0
190
Haweeneyda oo la sawiray xubin sare oo katirsan PKK.

Gulizar Tasdemir oo ah haweenay u dhalatay dalka Turkiga ayaa hey´adda soo galootiga Norway, ay u ogolaatay magangalyo, kadib markii wadanka laga saaray sanad kahor.

Haweeneydan ayaa hada ku xiran xabsi kuyaal Turkiga, waxeyna sugeysaa in kiiskeeda maxkamada la horkeeno, iyada oo muteysan karto ciqaab xabsiyeed dhan 15 ilaa 20 sano.

Hey´adda soo galootiga Norway ayaa qiratay inay qalad ka gashay haweenaydan, maadaama go´aankii ay wadanka uga saareen uu ahaa mid aan sax aheyn.

Kala xiriir: 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka kore)

Gulizar Tasdemir ayaa Norway timid sanadkii 2015, iyada oo xiligaas sheegatay inay xubin ka tahay ururka falaagada PKK ee ka dagaalanta Turkiga.

Norway Ayaan rumeyn haweeneydaas, waxeyna codsigeeda magangalyada ka siiyeen diidmo. Iyaga oo sanadkii hore ku celiyay dalka Turkiga.

Marka ay Turkiga ka dagtay, waxaa xabsiga dhigay ciidamada Turkiga, iyada oo hada sugeyso maxkamad, kuna eedeysan kamid ahaanshaha ururka falaagada PKK.

Dowlada Norway ayaa hada qiratay in go´aankii haweeneydaas dalka looga saaray uu ahaa mid qaldan. Waxeyna hada u ogolaadeen magangalyo, iyada oo Norway ka maqan, xabsina kujirto.

Xigasho/kilde: UDI erkjenner at det var feil å tvangsreturnere PKK-medlem til Tyrkia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments