Sweden: Orodyahan kaalinta labaad ee ka galay tartan orodka ah.

0
138
Cumar Nuur Foto: Privat

Xigasho/kilde: SverigesRadio.se

Cumar Maxamed Aw-Nuur oo Sweden u matalayay sanadkaan oradka juunyarka (dhalinyarada) qaarada Yurub ee 3000 mitir ayaa guul lama filaan ah ka gaaray, tartan ka qabsoomay magaalada Borås.

Tartanka ayaa lagu soo xiray maalintii axada aheyd ee ina dhaaftay magaalada Borås, halkaa oo Cumar uu kasoo qaatay bilad qalin ah.

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka kore).

Niyadayda kuma jirin in aan natiijo heerkaasi ah ka gaaro, ayuu yiri Cumar mar uu wareysi siiyay idaacada Raadiyaha Sweden laanta afka Soomaaliga isagoo aad ugu faraxsanaa hormarka uu ka sameeyay tartankaasi.

Cumar ayaa orday 8:58:79 waxa uuna galay kaalinta 2-aad oo waxaa ka horeeyay hal qof oo kaliya sidaas ayuuna ku helay bilada qalinka.

Ugu danbeyn, Cumar Nuur ayaa sheegay in hadii aad doonayso inaad guul wax ka gaarto loo baahan yahay inaad noqoto qof dulqaad leh, si aad u hiigsato hamigaagaa.

Xigasho/kilde: SverigesRadio.se-laanta afka soomaaliga

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments