Mareykanka oo cadaadis saaraya Sweden, si fanaan xabsiga looga sii daayo.

0
138
Trump ayaa horey u codsaday in fanaankaas xabsiga laga sii daayo.

Xigasho/kilde: Sveriges Radio.

Safiirka Sweden u fadhida dalka Mareykanka Karin Olofsdotter ayaa soo gaabisay fasaxeeda xagaaga, si ay ula kulanto xildhibaano ka tirsan aqalka baarlamaanka Mareykanka oo dalbanaya in la sii daayo fanaan la yiraahdo ASAP Rocky oo lagu hayo xabsi Sweden ku yaala.

Danjire Karin oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in is faham la’aan xagga qaanuunka uu jiro, iyada oo tilmaamtay in wadahadalka ay la yeelan doonto xildhibaanada kongareeska Mareykanka in nidaamka damiinashada qofka, uusan Sweden ka jirin.

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka kore)

Waxaa dalka Mareykanka ka socda gadood laga muujinayo xariga ASAP Rocky oo lagu hayo magaaladda Stockholm, waxaana jira dad kor u dhaafaya 600 000 oo qoray codsi lagu dalbanayo in fanaankaas xabsiga laga sii daayo. Xitaa madaxweyne Donald Trump ayaa si shaqsi ah ugu howlan kiiska heesaaga.

ASAP Rocky – oo magaciisa dhabta uu yahay Rakim Mayers iyo labo nin kale ayaa ku jira xabsiga, waxeyna sugayaa maxkamad inta kiiskooda uu boolisku soo dhameynayo baaristiisa.

Sida ay qabaan xeer ilaalinta waxaa jirta khatar ah in heesaaga ka baxsado dalka sidaasi daraadeed ayay codsadeen in xabsiga lagu hayo.

Arintaas ayaa Mareykanka ka kicisay dood iyada oo dadka Mareykanka ay aaminsanyihiin in habka damaanada oo ka jira dalkooda, in uu sidoo kale ka jiro Sweden.

Aragtidaasi ayaa sii xoogeysatay dhammaadkii toddobaadkii hore ka dib markii madaxweyne Trump uu sheegay in uu isaga bixinayo lacagta damaanada ee heesaaga.

Xigasho/kilde: Sverigesradio-Qeybta afka soomaaliga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments