SSB: Soo galootiga kasoo jeeda Yurubta bari, waxey u codeeyaan Frp.

0
114

Sida lagu sheegay warbixinta tirakoob ay sameysay wakaalada SSB, 27% soo galootiga kasoo jeedo dalalka Yurubta Bari ee Norway kunool, ayaa u codeeya xisbiga midigta fog ee Frp.

Taageerada codadka xiliga doorashada oo ay soo galootiga Yurubta bari kasoo jeedo siiyaan Frp, ayaa ah mid labo jibaar ka badan tan dadka u dhashay Norway ay siiyaan xisbigaas oo helay qiyaastii 15% doorashadii lasoo dhaafay.

Riix sawirka: Si Aad u hesho maclvuumaad dheeri ah.

Isla tirakoobkan ayaa lagu sheegay in soo galootiga kasoo jeeda wadamada Aasiya iyo Afrika ay inta badan siiyaan xisbiyada garabka bidix, gaar haan Ap iyo SV. Waxaana kor usoo kacayo taageerada xisbiga Rødt uu ku dhex leeyahay ajaaniibta kasoo jeedo labadaas qaaradood.

Guud ahaan, waxaa tirakoobkan lagu sheegay inay kor u kacday tirada dadka soo galootiga ah ee codkooda dhiibta xiliyada doorashada.

Xigasho/kilde: SSB: 27 prosent av østeuropeerne stemmer på Fremskrittspartiet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments