onsdag, mai 8, 2024

Sheekada nin qoxooti soomaali ah oo mar kale dood ka abuurtay Denmark

Dowlada Denmark ayaa ilaa iyo sanadkii hore Aad ugu mashquulsaneyd go´aan ka gaarista boqolaal qoxooti soomaali ah oo dalkaas kunool, kuwaas oo lagu wargaliyay in dib u qiimeyn lagu sameyn doono baahidadooda magangalyo.

Denmark ayaa ilaa hada go´aan ka gaartay, kuna wargalisay inay dalkoodii ku noqdaan dad kor u dhaafayo labo boqol oo soomaali ah. Halkan kasii akhri

Qaar kamid ah sheekooyinka dadka lagu wargaliyay inay Denmark isaga baxaan, ayaa si maalinle ah waxaa sheekooyinkooda boggaga hore wax loogao qoraa warbaahinta dalkaas. Waxeyna inta badan abuuraan dood xoogan oo ku saabsan sax ahaanshaha tarxiilka dadkaas oo qaar badan oo kamid ah ay yihiin qoysas caruur heysto.

Mid kamid dadkaas oo sheekadiisa maalmihii ugu danbeeyay aad looga hadalhayay baraha bulshada iyo warbaahinta Denmark, ayaa ah Cabdirahman Geelle Jaamac.

Cabdirahmaan oo kiiskiisa ay wax badan ka qoreen warbaahinta Denmark, ayaa degan magaalada Hurub. Waana qof shaqeysto oo canshuur bixiye ah, luuqada dalkaas si fiican u bartay, bulshadana kamid noqday.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ilaa hada uusan fahmin, sababta loogu wargaliyay inuu Denmark isaga baxa, maadaama uu noqday qof bulshada kamid ah oo canshuur bixiye ah. isaga oo cadeeyay inuu rajeynayo inuu sii wato noloshiisa Denmark.

Baraha bulshada Denmark ayaa Cabdiraxmaan looga muujiyay taageero xoogan, waxaana aad loo eedeynayaa go´aanka dowlada Denmark ee ku aadan dadka Cabdiraxmaan oo kale ah. Taas oo ay sheegeen inay Niyad jab ku ridi karto qoxootiga dalkaas ku cusub ee hamiga ka qaba inay bulshada dalkaas si fiican ula qabsadaan, una dhex galaan.

Waa kuwan qaar kamid ah sheekooyinka laga qoray Cabdiraxmaan:

Debatten raser om somalisk vinduesfabriks-arbejder, der skal udvises på fredag. Han håber at få lov til at blive.

En somalisk mand arbejder på Idealcombi i Thy. Men på grund af det politiske paradigmeskift skal han sendes hjem. Og det frustrerer både ham og hans arbejdsgiver.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x