Tromsø: Xeer ilaalinta oo dalbatay in 5 sano iyo bar lagu xukumo Wasiir hore oo gabood fal galmo ku eedeysan.

0
175
Svein Ludvigsen wasiirka eedeynaha ah

Waxaa maanta soo idlaatay dhageysiga dacwada ka Dhanka aheyd Svein Ludvigsen oo ahaa wasiirkii hore ee kaluumeysiga Norway, xildhibaan hore iyo gudoomiyihii gobolka Troms.

Svein ayaa ku eedeysnaa in isaga oo ka fa´iideysanayo booskii shaqo iyo awooda xilalkii uu soo qabtay uu gabood falo galmo ah la sameeyay sadex dhalinyaro soo galooti ahaa.

Isaga oo dhalinyaradaas wiilasha ah isaga dhigay inuu yahay qof awood ku leh nidaamka wadanka, kana caawin kara helista sharciyada magangalyada, dhalashada Norway iyo shaqooyin ay ka shaqeystaan.

Xeer ilaaliyaha kiiska kusoo oogay Svein ayaa maxkamada ka dalbaday in shan sano iyo lix bilood oo xabs ah lagu xukumo Svein. Sidoo kale waxaa laga dalbaday magdhow lacageed oo la siiyo sadexda dhalinyarada ah ee dhibanaasha ah.

Wasiirkan hore ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu ka been sheegay dhacdooyinka gebood falka ah, kadib markii ay boolisku ugu yeereen xog wareysi ku saabsan qaabka ay wax u dhaceen. Isaga oo sharaxaad kala duwan ka bixiyay qaabka ay wax u dhaceen, balse markii danbe maxkamada ka qirtay qaar kamid eedeymaha lagu soo oogay.

Xigasho/kilde: Aktor ber om fem år og seks måneders fengsel for Svein Ludvigsen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments