Norway oo soo qaaday shan caruur ah oo ay dhaleen waalidiin daacish ku biiray.

0
78

Sida ay TV-ga NRK u xaqiijiyeen madax ka tirsan ismaamulka Kurdida Ciraaq, shan caruur Norwiiji ah oo ay dhaleen waalid ku biiray kooxda Daacish ayaa dib loogu soo celiyay Norway.

Shantan caruurta ah ayaa laga soo qaaday xero qoxooti oo kutaal Siiriya, waxeyna da´doodu u dhaxeysaa 1 sano ilaa 7.

Hooyada dhashay caruurtan oo Norwiiji asal ah ayaa ka tagtay Norway, halka aabaha caruurtan dhaleyna la sheegay inuu kasoo jeedo wadan Afrika ah.

Aabaha dhaley caruurtan ayaa la sheegay inuu geeriyooday, halka hooyadii dhasheyna aan war laga heynin, waxeyna mudadii ugu danbeysay ku dhibaateysnaanyeen xerada qoxootiga Al Hol ee dalka Siiriya.

Ujeedka ay dowlada Norway caruurtan ugu soo celisay dalka, ayaa lagu sheegay in laga badbaadiyo fikirka xagjirka ee qaldan, lana ilaaliyo xuquuqdooda caruurnimo, isla markaana la dhaqan-celiyo, si ay u bulshada uga mid noqdaan.

Xigasho/kilde: NRK: Norge har fått de fem foreldreløse barna til norsk IS-kvinne

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments