Masaajid kumannaan doolar ku caawiyay Qoys masiixi ah dhibaato ay qabsatay.

0
105

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Muslimiinta ku xiran masaajidka Abubakar As-Saddique Islamic center ee ku yaal magaalada Faribault ee gobolka Minnesota ayaa u istaagay inay caawiyaan qoys daris la ah masjidka oo ay dhibaato qabsatay

Inkastoo uu jiro farqi dhinaca diinta ah oo u dhaxeeya jameecada iyo qoyska oo masiixiyiin ah, haddana masjidka ayaa sameeyay guddi ka shaqeeya in la caawiyo, ka dib markii wiil ay dhaleen uu ku dhintay dhibtaas qoyska qabsatay, halka mid kalena uu soo ritay xanuunka kansarka.

Wiilka qoyska ka geeriyooday ayaa dhintay bishii Disembar, kadib markii uu ayaa cunay raashin loogu talagalay bisad ay qoyskan xannaaneysanayeen.

Ilmo kale oo da’diisa lagu sheegay 10 jir ayaa la xanuunsan kansar, kaas oo xaaladiisa laga deyrinayo.

Muddo hal saac gudaheed ah ayey culumada masjidka aruuriyeen kumannaan doolar, iyagoo sidoo kalena u duceeyay qoyskaas. Lacagtii la aruuriyay ayaa lagu sheegay inay gaareyso 6,000 oo doolarka Mareykanka ah.

Maamulka masaajidka ayaa sheegay in caawinta dadka dhibaateysan, iyo ka warqabida darisku ay tahay waxyaabaha ay diinta islaamku fartay dadka.

Xigasho/kilde: Faribault mosque raises $6,000 for Christian family dealing with tragedy

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments