Norway: Haweenay katirsan barvern-ka oo ku eedeysan inay galmo la sameysay wiil ay masuul ka aheyd.

0
144
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Sida uu qoray wargeyska  Smaalenenes Avis, haweenay 40-meeyo jir ah oo katirsan hey´adda ilaalinta xanaanada caruurta ee barnevern-ka, ayaa ku eedeysan inay galmo la sameysay wiil ay shaqo ahaan mas´uul ka aheyd.

Wiilka ayaa xiliga uu falkan dhacayay jiray 19 sano, iyada oo haweeneydan ay aheyd masuul katirsan hey´adda barnevernka, qaabilsana wiilkan.

Sida uu qoray wargeyska, booliska ayaa aaminsan in haweeneydan ay ka faa´iideysatay booskeeda shaqo, ayna marar badan galmo la sameysay wiilkan oo ay xiligaas masuuliyadiisa qaabilsaneyd.

Wargeyska ayaa sidoo kale qoray in boolisku ay dacwad dhankiisa kusoo oogeen wiilkaas, maadaama uu fal waxyeelo ah uu gaarsiiyay haweeneyda 40-meeyo jirka ah.

Dhageysiga dacwada Kiiskan ayaa 28-ka bisha August ee sanadkan laga furi doonaa maxkamada Heggen iyo Frøland.

Xigasho/kilde: Nettavisen/Smaalensavis

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments