Daawo: Waxaan ka cararnay London, waxaana nabadgelyo u raadsanay Kismaayo-Soomaaliya.

0
111
Foto: Skjermdump/CH4News

Muuqaal baahiyaha Chanel 4 News oo laga leeyahay dalka Ingiriiska, ayaa barnaamij muuqaal ah ka diyaariyay dhalinyaro soomaali ah, oo waalidkood ay kala carareen magaalada London. Ayna geeyeen magaalada Kismaayo ee koonfurta Soomaaliya.

Dhalinyaradan ayaa sheegaya in waalidkood ay kala soo carareen falalka amni darada ah ee ka socda xaafadaha ay London ka tagnaayeen, ayna nabadgalyo u raadsadeen Soomaaliya.

Waxeyna sheegayaan inay sadex midkood ay dhici laheyd, hadii ay London sii joogi lahaayeen. In la dilo, inay wax dilaan ama ay boolisku qabtaan iyaga oo ku howlan fal amni daro ah, sidaasna ay xabsiga ku galaan.

Dhamaantood waxey qirayaan in imaanshadooda Soomaaliya, ay wax badan ka badashay fikirkooda ku aadan Nolosha, ayna ogaadeen waxyaabo badan oo markii hore ka maqnaa.

Magaalada London, waxaa sanadihii ugu danbeeyay ka dhacayay falal dilal ah oo loogu geysanayo ama dhexdooda ay is dilayaan dhalinyarada soomaalida ah ee magaaladaas ku dhaqan.

Halkan ka daawo muuqaalka: Chanel4News

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments