Daraasad: 39% Norwiijigu, waxey aaminsanyihiin in soomaalidu aysan Norwiiji noqon karin.

0
124
Foto: Cali wadani

Waxaa dhawaan soo baxday natiijada daraasad ay xarunta cilmibaarista ee FAFO ay u sameysay hey´adda BUFFDIR, laguna baarayay fikrada ay dadka Norwiijiga ah ka heystaan bulshada laga tiro badanyahay.

Waxaana daraasadan lagu wareystay dad gaaraya 4443 qof, kuwaas oo fikradahooda ka dhiibtay su´aalo la weydiiyay oo ku saabsan waxa ay ka aaminsanyihiin qowmiyada kale ee laga tiro badanyahay.

16% dadka daraasadan ka qeybqaatay ayaa aaminsan in dadka midabkoodu madowga yahay, aysan noqon karin norwiiji.

Sidoo kale 25% dadka daraasadan ka qeybqaatay ayaa aaminsanan in dadka Norwiijiga dhaladka ah ay ka caqli badanyihiin, qowmiyadaha kale.

Soomaalida: Norwiiji ma noqon karaan.

39% dadka daraasadan ka qeybqaatay, ama 4 kamid ah 10-kii qofba, waxey aaminsanyihiin in soomaalidu aysan noqon karin Norwiiji.

Halka 22% dadka daraasadan ka qeybqaatay ay aaminsanyihiin in dadka Swedishka ah, aysan noqon karin Norwiiji.

Muslimiinta iyo Dumarka Xijaaban:

Sadex meelood meel (1/3) dadka la wareystay ayaa sheegay inay ka cabsadaan inay hormaraan guruub rag muslimiin ah wadada dhexdeeda.

Daraasadan ayaa sidoo kale muujisay in fikir aan fiicneyn laga heysto dumarka muslimiinta ah ee xiran xijaabka. 35% dadka la wareystay ayaa sheegay in qabaan in dumarka xijaabka xirta aan lala barbadhigin dumarka kale ee aan xijaabka xiran.

Daraasada ayaa cadeysay inuu jiro aqbalaad weyn oo dadka ay qabaan in la faquuqi karo dumarka xijaaban, gaar ahaan goobaha shaqada.

Muslimiinta iyo bulshada Jibsiga:

Su´aal dadka laga weydiiyay qowmiyadaha loogu faquuqa badanyahay Norway, ayay ku sheegeen in muslimiinta ´, bulshada Roomaanka iyo kuwa jibsigu ay yihiin kuwa loogu faquuqa badanyahay Norway.

Sadexdan guruub ayaa ah kuwa ay bulshada ugu badan aysan rabin inay u noqdaan reysulwasaare, ama ay la xididaan, sidoo kalena ay la noqdaan ama daris.

Hey´adda IMDI oo ah hey´adda dalbatay in daraasadan loo sameeyo, ayaa sheegtay in natiijadan kasoo baxday xog uruurintan ay tahay mid murugo leh, loona baahanyahay in talaabooyin laga qaado.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments