Dhimashada oo 49 sii mareyso: Wararkii ugu danbeeyay ee weeradada masaajidida New Zealand.

0
164
Nina weerarka loo soo qabtay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo weeraro rag hubeysan ay maanta ka geysteen Masaajido ku yaala magaalada Christchurch ee dalka New Zealand. Weeraradan ayaa ka dhacay gudaha masaajidada xili lagu giray salaada jimce.

Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dhimashadu dadka lagu xasuuqay weeraradan ay gaareyso ku dhawaad 49 qof, waxaana ilaa hada inta la xaqiijiyay isbitaalada la dhigay 48 qof oo dhaawac ah.

Reysulwasaaraha New Zealand, haweeneyda lagu magacaabo  Jacinda Ardern ayaa weerarkan ku tilmaantay mid argagaxiso.

Booliska ayaa nin 28 sano jir ah oo katirsan kooxaha midigta fog usoo qabtay weerarkan, iyada oo sidoo kale ay jiraan labo qof kale oo ay boolisku soo qabteen, kuwaas oo lala xiriirinayo weeraradan.

Ninka ay boolisku weeraradan usoo qabteen ayaa baraha bulshada soo galiyay muuqaal toos ah, xiliga uu xabadaha la dhacayay dadka muslimiinta ah ee ku sugnaa gudaha masjidka.

Sida ay qorayaan warbaahinta New Zealand dadka ugu badan ee ku dhintay weerarkan ayaa kasoo jeedo dalalka Bangladesh iyo India. Waxaana jiro soomaali kamid ah dadka lagu xasuuqay weerarada.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments