New Zealand: Dad ku dhintay weerar lagu qaaday masaajido xili lagu jiray salaada jimce

0
143
Foto: Ap

Labo Masaajid oo ku yaalo magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand ayaa dablay hubaysan ay weerareen, iyada lagu jiro xiliga salaada Jimcaha.

Inta wararka horudhca ay sheegayaan ayaa dhimashada ka dhigayso 6 qof iyo intaasi ka badan dad ah oo dhawacyo ay soo gaareen.

Booliiska magaalada ayaa guud ahaanba magaalada Bandow kusoo rogay waxaan la xirey Schoolada.

Dad badan ayaa dareemay cabsi la xariirta arinkan waxaana booliska iyo hayadaha amniga ay baaritaano ugu jiraan raggii dableyda ahaa ee falkaasi ka dambeyey.

Qof goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha New Zealand u sheegay inuu arkay meydka dhowr qof oo dhintay. Booliska ayaa dadka uga digay inay tagaan aaga ay wax ka dhaceen, waxaana la isku gadaamay oo ilaalo la geeyay iskuullada iyo isbitaallada magaalada Christchurch.

Wixii kusoo kordha gadaal ayaan kasoo galin.

Xigasho/kilde: VOA-BBC

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments