tirsdag, april 23, 2024

R.W Norway oo cambaareysay weerarkii masaajidada iyo Donald Trump oo wali aamusan.

Waxaa maanta Weerararo argagaxiso lagu qaaday labo masaajid oo kuyaal magaalada  Christchurch ee dalka New Zealand.

Weeraradan oo gudaha masaajidada laga fuliyay xili lagu jiray salaada jimce ayaa ilaa hada inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dad gaaraya 49 qof, halka 48 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ninka ay boolisku u qabteen inuu ka danbeeyay weerarkan ayaa muuqaal toos ah duubayay xiliga uu xabadaha la dhacayay dadka muslimiinta ah ee ku sugnaa gudaha masjidka. Waxaana ay boolisku sheegeen inuu katirsanaa kooxaha xagjirka midigta fog ah.

Qoraal uu ninkan horey usoo galiyay internetka ayuu ku sheegay inuu tusaale ka dhiganayay Anders Breivik oo ahaa gacan ku dhiigle xasuuqe ah oo Norway sanadkii 2011 ku dilay 77 qof. Ninkan ayaa la sheegay inuu weeraradan qorsheynayay mudo 2 sano ah.

Booliska ayaa sidoo kale too qabtay labo qof oo kale usoo qabtay weerarkan.

Solberg: Xusuus xanuun leh

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa sheegtay in dhacdadan ay soo xasuusaneyso dhacdadii Norway ka dhacday sanadkii 2011, ayna tahay xusuus xanuun leh.

Solberg ayaa sidoo kale sheegtay in dhacdadan ay dadka xasuusaneyso inay muhiim tahay in lala dagaalamo xagjirnimada nooc walba oo ay taheyba.

Iyada oo raacisay in weerarkan uu yahay mid ay geysteen kooxo xagjirka midigta fog ah, ayna muhibim tahay in lala yareeyo iska hor imaadyada iyo hurinta kala duwanaanshaha fikirka iyo diinta.

Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ap ayaa cambaareeyay weerarkan, isaga ku tilmaamay mid xanuun leh.

Trump: Afkiibaa juuqda gabay

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo caan ku ah inuu 38 qoraal isku xijiyo marka ay dhacaan weeraro loo maleynayo inay geysteen dad muslimiin ah, Ayaan ilaa hada ka hadlin xasuuqa ka dhacay New Zealand ee lagu laayay dadka muslimiinta ah.

Barta twitterka madaxweyne Trump ayaan ilaa hada lasoo dhigin wax qoraal ah ama cambaareyn ah oo weerarkaas looga hadlayo.

Xigasho/kilde: VG.NO

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x