Gabar Soomaali ah oo lagu xanibay Israel, iyada oo saaxiibkeed oo dalkaas kunool u socoto.

0
214

Waaxda Dadka iyo Socdaalka ee Israel ayaa haweeney Somali-British ah u diiday inay gasho gudaha Israel si ay u booqato saaxiibkeed, waxaana ay ku xaniban tahay garoonka Ben-Gurin International Airport ee duleedka magaalada Tel Aviv.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in in sababta haweeneydan loogu diiday inay gasho gudaha ay tahay kadib markii ay sheegtay inay damacsan tahay inay degto Israel, oo ay la noolaatoo saaxiibkeed oo ah nin magan-galyo ka raadinaya Israel oo muhajir ah.”

Haweeneydan oo lagu magacaabo Faiza Amin Mohammed ayaa sheegtay inaan sharaxaad laga siin sababta loogu diiday inay gudaha gasho, ayada oo hadda laba maalmood ku xanniban garoonka. Waxay sheegtay inaysan wax qorshe ah ka lahayn inay kusii nagaato Israel, marka booqashadeeda ay dhameysato.

Waaxda Socdaalka ayaa khamiistii isku dayday in Faiza ay qasab ku saarto diyaarad u socotay London, taasi oo lagu guul-darreysatay.

Faiza oo oo degan London ayaa ka shaqeysa isbitaal, waxaana ay racfaan ka qaadatay go’aanka loogu diiday inay gasho Israel, hase yeeshee waxaa sida ay sheegtay loo diiday inay la kulanto qareenkeeda Asaf Weitzen.

Waxay ku dooday inay dooneysay kaliya inay booqasho gaaban ku joogto Israel, si ay waqti ula qaadato saaxiibkeed. Faiza ayaa 20 sano ka badan ahayd muwaadin British ah, waxayna leedahay caruur iyo ganacsi u diidaya inay dal kale degto, sida ay sheegtay.

Faiza ayaa sheegtay in saaxiibkeed ay 20 sano ka hor isku jeclaadeen Soomaaliya, hase yeeshee ay dib isku heleen sanadii tagtay, ayna dooneyso inay degenaansho uga codsato Britain.

Waxay sheegtay in tani ay tahay booqashadii labaad, ayada oo sidoo kale timid bishii Janaayo kadibna dib u laabatay.

“Waxaa arrintan horseeday midab takoor iyo go’aan nacasnimo ah oo macaamilkeyga laga qaatay” waxaa sidaas yiri qareenkeeda Weitzen. Wuxuu intaas ku daray “Wasaaradda arrimaha gudaha waxay ku cayaareysa sharciga, mana ahan markii koowaad, kuwa ugu badan ee dhibkan uu gaarayana waa dadka Soomaalida ah asal ahaan, oo midabka jirkooda loo beegsanayo.”

Wasaaradda arrimaha gudaha Israel ayaa ku jawaabtay “Faiza waxay Israel timid laba toddobaad ka hor, wayna laabataya, ayada oo damacsan inay soo laabato oo ay saaxiibkeed la noolaato. Baaritaan ayaa caddeeyey in saaxiibkeed yahay ajnabi ku nool Israel, mana jirin casuumad uu u sameeyey sida sharciga qabo. Kadib su’aalo weydiin, waxaa caddaatay inay dooneyso inay Israel degto inkasta oo Visa dalxiis ay ku timid. Dhammaan xaqiiqooyinkan ayaa keenay in loo diido inay dalka soo gasho.”

Xigasho/kilde: Caasimada.net

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments