Booliska: Baasaboorka Sweden oo si aad ah looga adeegsado suuqa madow

0
168

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen booliska Sweden, Baasaboorka dalkaas ayaa aad looga xiiseeya suuqa madow. Waxaa warbixintan dhawaan soo baxday lagu sheegay in xitaa ay jira dad basabooradooda siiya qarabadooda si ay u adeegsadaan suuqa madow.

Sidaas darteed ayay booliska Sweden sheegeen in sannad walba tiro dhaafsiisan dhowr iyo toban kun oo baasaboor ay xanibaan. Sannadkii hore oo keliya ayaa la kansal-gareeyay 63 501 basaboor, waa tiro 700 oo ka badan marka loo barbardhigo sannadkii ka horeeyay 2017.

Emelie Lindvall oo booliiska u qaabilsan arrimahan ayaa sheegtay in kor u kacani xidhiidh la yeelan karo sharcigii cusbaa ee sannadkii 2016 bilaabmay. Kaas oo sheegayay in shakhsi walba uu xaq u leeyahay inuu qaato saddex baasaboor muddo shan sannadood gudahood ah, hadii tusaale ahaan uu kalumo.

Sidoo kale ayuu booliisku ayaa bilaabay inay adeegsadaan qalab cusub u oo u fududeynayaa xanibaada basaboorada dadka xabsiga lagu xukumo muddo sannad ka badan. Intii aan la bilaabin sharcigan 2016-kii xadadid noocan oo kale ah ma jirin. Intii u dhaxeeysay 2009 ilaa 2013 1441 qof ayaa la siiyay basaboor cusub in shan jeer ka badan. Qaar ka mid ah kuwan ayaa 18 basaboor la siiyey midkiiba.

Baaritaan dawlada Sweden loo gudbiyay sanadkii 2015 ayaa lagu caddeeyay in dadkan aan lagu tuhunsaneeyn wax dembi ah iyo in aaney si khaldan u isticmaalin nidaamka u yaala dalkan.

Xigasho/kilde: SverigesRadio.se

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments