70-jirtii Sumaya Faceboog ku aflagaadeysay oo xabsi iyo ganaax lagu wada xukumay

0
76
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada hoose ee magaalada Bergen ayaa haweenay 70-sano jir ah ku xukuntay 24 maalin oo xabsi ay shuruudi ku xirantahay ah iyo ganaax lacageed oo dhan 10.000 kr. Haweenaydan ayaa lagu helay danbi lagu soo eedeeyay oo ah inay aflagaado laga dheehan karo isir naceyb ay kula kacday Sumaya Jirde oo ah gabar dhalinyaro aktivist soomaali ah.

Haweenaydan ayaa sidoo kale ay maxkamadu ku xukuntay inay bixiso qarashka ku baxay maxkamada oo dhan 2000 Kr.

70-jirtan Norwiijiga ah ayaa Qoraal lasoo dhigay barta Facebooga ka dhiibatay «kommenti» ay aflagaado shaqsiyeed oo toos ah kula beegsaneyso Sumaya Jirde, ayna ka codsaneyso inay ku noqoto dalka ay waalidkeed kasoo jeedaan ee Soomaaliya.

Haweeneydan ayaa isbuucii hore sheegtay in «kommentigeeda» aysan ugala jeedin ujeedo gaar ah, balse ay xanaaqsaneyd xiliga ay qoreysay. Iyada oo sheegtay inay ka xanaaqsaneyd in Sumaya ay wax ka sheegtay wasiiradii hore ee soo galootiga Norway, Sylvi Listhaug iyo booliska dalkan Norway.

Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay inay racfaan ka qaadan doonto xukunka maxkamada Bergen. Ayna racfaankeeda u gudbin doonto maxkamada racfaanka Denmark.

Norway ayaa kamid ah wadamada aadka looga qadiriyo xuquuqda xoriyada hadalka qofka, hadana qoraalada ama hadalada xanbaarsan aflagaadada shaqsiyeed ee tooska ah, ama ay ku dheehanyihiin midab-takoor iyo diin naceybka ayaa lagu mudan karaa ciqaab xabsiyeed.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments