Frp oo u dagaalamaya in Listhaug ay markale wasiir noqoto

0
79
Photo: Ze'ev Yanai

Xisbiyada midigta siyaasada dalkan Norway ayaa dhawaan gaaray heshiis ay kusoo dhisan doonaan xukuumad wadaag ah oo Norway ka talisa sanadaha soo socdo. Maadaama uu xukuumada kusoo biiray xisbiga Krf, Erna Solberg ayaa sameyn doonto isku shaansheyn goloheeda wasiirada, si wasiiro loo siiyo xisbiga Krf.

Xisbiga Frp oo kamid ah xisbiyada ku bohoobay xukuumada hada ka talisa Norway ayaa dagaal adag ugu jiro in wasiiradii hore ee soo galootiga, Sylvi Listhaug ay mar kale hesho jago wasiirnimo. Listhaug oo hada ah gudoomiye ku xigeenka Frp ayaa saameyn iyo taageero balaaran ku dhex leh xisbiga gudihiisa, iyo waliba cod bixiyeyaasha xisbiga taageera.

Baarlamaanka Norway ayaa Listhaug ku qasbay inay is casisho, kadib markii ay barteeda facebooga kusoo qortay qoraal dhaliyay muran, kaas oo ugu danbeyn sababi gaaray inay dhacdo xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg.

Xisbiyada afarta ah ee ku baheysan xukuumada cusub oo ay hogaamin doonto Erna Solberg ayaa lagu wadaa inay noqoto mid siyaasad ahaan ka duwan xukuumadii ka horeysay ee ka koobneyd sadexda xisbi.

Xigasho/kilde: NRK.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments