Waalidka: Isbadaladan ayaa lagu sameeyay xeerarka Nav sanadka 2019

0
108

Hey´adda Nav ayaa sanadkan cusub ee 2019 isbadal ku sameysay qaar kamid ah xeerarkeeda, iyada oo la raacayo heshiiska miisaaniyada sanadka 2019. Isbalada ugu badan ayaa khuseeya waalidka heysta caruurta ay da´doodu ka hooseyso 18 sano.

Barnetrygd( Lacagta lagu kabo waalidka): Heshiiska miisaaniyada sanadka 2019 ayaa lagu go´aamiyay in lacagta lagu kabo waalidka heysta caruurta ka yar 18-ka sano lagu kordhiyo 84 kroner bil walba, lagana dhigo 1054, halka ay markii hore aheyd.

Lacagta xiliga dhalmada: Isbadalka ugu weyn ee sanadkan ka dhex muuqdo xeerarka Nav ayaa ah lacagta waalidka/hooyada la siiyo xiliga dhalmada. Waxaana lagu kordhiyay 20.000 Nok, iyada oo la dhigay 80.140, halka ay horey ka aheyd 60.140

Halkan kasii akhri isbadalada kale ee xeerarka Nav

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments