Caro ka dhalatay toogasho ay boolisku ku dileen waardiye qabtay nin hubeysan

0
143

Waardiye hubaysan oo ilaalinayay baar ku yaalla magaalada Chicago ee dalka Mareykanka, ayay booliisku dileen isaga oo qabtay nin hubaysan oo laga shakiyay, sida ay sheegeen saraakiil iyo dad goonbjoogeyaal ah.

Markii ay dhawaq rasaas yeertay Axaddii saacadu ahayd 04:00 xiliga deegaankaas ayuu Jemel Roberson oo 26 jir ah ceyrsaday ninka weerarka soo qaaday, wuxuuna ninkaas gacanta ku hayay ilaa ay boolisku goobta soo gaareen.

Isla markii ay booliisku soo gaareen goobtii uu dhibku ka dhacay,  mid ka mida ah askartii ayaa toogtay Roberson oo ahaa waardiyihii ninka qabtay. Waardiyahan la dilay ayaa ahaa nin madow ah.

Saaxiibada ninka la dilay ayaa sheegay in Roberson uu ahaa muusikiiste uuna ku haminayay in uu booliiska ku biiro.

«Dadkii uu rabay in uu ka mid noqdo ayaa qudha ka jaray,» ayuu yiri Patricia Hill oo baadari ka ah kiniisadda Purposed Hill oo Chicago ku taalla oo la hadlay warbaahinta told WGN-TV.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments