Xisbiga Høyre oo gabar waalidkeed ay Pakistan yihiin ka dhigay musharaxa duqa magaalada Oslo ee doorashada 2019

0
142
Saida Begum Foto: Oslo Kommune

Bisha September ee sanadka soo socdo waxaa guud ahaan dalkan Norway ka dhici doono doorashada goloyaasha deegaanka oo afartii sanaba mar la qabta.

Xisbiga Høyre oo kamid ah xisbiga awooda balaaran ku leh magaalada Oslo ayaa musharaxa duqa magaalada ee Oslo ka dhigay Saida Begum oo ah siyaasi katirsan golaha deegaanka Oslo ee xisbiga Høyre. Said oo sharci yaqaanad ah ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalka Pakistan, waxeyna todobadii sano ee ugu danbeysay katirsaneyd golaha deegaanka Oslo.

Arintan ayaa noqoneyso markii ugu horeysay oo qof asalkiisu soo galooti yahay uu xisbiga Høyre ka dhigto musharaxa duqa magaalada Oslo. Ellen Chr. Christiansen oo ah madaxa gudiga soo xulitaanka musharaxiinta ee xisbiga Høyre ayaa jagada duqa magaalada Oslo loo fiiriyo mustaqbalka, aysana qasab aheyn in nin cadaan ah uu xili walba duqa ka noqdo caasimada Norway ee Oslo.

Xigasho/kilde: NRK-Halkan kasii akhri

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments