SSB: Soomaalida ayaa ah guruubka degan guryaha ugu ciriirisan, marka loo eego tirada xubnaha qoyska

0
105
Soomaalida Norwey

Warbixin ay hey´adda Xog uruurinta ee SSB soo saartay ayaa lagu sheegay in 20% dadka soo galootiga ah ay deganyihiin guryo ciriir ah, marka loo eego tirada xubnaha qoyska. Halka guud ahaan dadweynaha wadanka kunool ay 5% deganyihiin guryo ciriir ah.

Soo galootiga kasoo jeedo Afrika ayaa xog uruurintan lagu sheegay in 29% ay deganyihiin guryo ciriiri, halka 38% soomaalidu ay deganyihiin guryo ciriiri ah, marka loo eego tirada xubnaha qoyskooda. Soomaalida ayaa sidoo kale ah guruubka soo galootiga ah ee ugu badan ee kunool guryaha ciriiriga ku ah deegaan ahaan.

Ciriiriga guriga ayaa xog uruurinta loo fiiriyay, inta qol ee guriga ka koobanyahay iyo inta kale ee kunool. Waxaana ay qoysku guri ciriir ah kunoolyihiin marka tirada xubnaha qoysku ay ka bataan tirada qolalka uu guriga ka koobanyahay.

Pakistanta oo kamid ah qowmiyadaha soo galootiga ee xiliga ugu dheer degenaa dalka Norway, ayaa xog uruurintan lagu sheegay in 34% ay deganyihiin guryo ciriiri ah, iyada guri walba oo Pakistani ah ay kunoolyihiin isku cel-celis 3,37 qof.

Halka 21% Siiriyaanku ay deganyihiin guryo ciriiri ku ah deegaan ahaan.

Xigasho/kilde: SSB(halkan kasii akhri).

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments