Ururo: Dowlada Norway waxey jabineysaa xeerka qoxootiga, hadii ay qoxootiga soomaalida ah kala noqoto qoxootinimada.

0
210

Talaadadii isbuucan ururka magangalyo-doonayaasha Norway ee Noas ayaa magaalada Oslo kusoo bandhigay warbixin iyo rapport ay ka diyaariyeen xaalada dad soomaali ah, kuwaas oo UDI-du ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahidooda magangalyo.

NOAS ayaa rapportkan oo dhinacyo badan taabanaya kusoo bandhigtay xaalada ay ku suganyihiin dadka soomaaliyeed ee arintan ee la kulmay, waxeyna wareysiyo la yeesheen qaar kamid ah dadkaas oo uga warbixiyay saameynta noloshooda uu ku yeeshay go´aankan.

Warbixintan oo dhinacyo badan taabaneyso ayaa sidoo kale lagu qeexay sida go´aankan ay dowlada Norway qaadatya labo sano uusan u waafaqsaneyn sharciga qoxootiga aduunka iyo xeerarka caalamiga ay bini-aadanimada oo Norway ay saxiixday. Sidoo kale waxaa lagu xusay sida go´aankan uu dhibaato ugu noqon karo maskixiyan ah u keeni karo dadka arintan ay lasoo gudboonaatay ee jawaabta sugaya sanado badan, aana ogeyn waxa uu xaalkooda noqon doono.

Ururka NOAS iyo dhowr urur oo kale oo arimaha ka shaqeeyo ayaa wargeyska Aftenposten kusoo qoray maqaal ay uga hadlayaan sida ay dowlada Norway u jabineyso xeerarka qoxootiga aduunka,iyo dhibaatooyinka ka imaan karo arintan.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments