Norway: Labo kamid ah wasiirada xukuumada Erna Solberg oo maanta iscasilay

0
182
Foto: CF Wesenberg

Labo wasiir oo kamid ahaa xukuumada reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg, ayaa saaka isaga dagay xilkii wasiirnimada.  Wasiirkii gaadiidka iyo wadooyinka, Ketil Solvik-Olsen iyo Terje Søviknes oo ahaa wasiirkii shidaalka iyo tamarta ayaa saaka iska wareejiyay xilalkii wasiirnimo.  Waxaana arinta lagu xaqiijiyay shirka golaha wasiirada Norway oo dhacay maanta oo jimce ah.

Labadan wasiir ee maanta xilka dagay oo ka wada tirsan xisbiga Frp ayaa xil ka tagistooda ku sababeeyay arimo shaqsiyadeed, iyada oo aysan jirin sabab muuqato ama cadaadis korka ah oo loo aaneyn karo xil ka dagistooda.

Wasiiradan saaka xilka ka dagay ayaa ku biirayo tiro 9 wasiir ah oo horey sababo kala duwan owgood xilka uga tagay intii ay reysulwasaaraha aheyd Erna Solberg. Isbuucyo kahor ayay aheyd markii wasiirkii kaluumeysiga Norway uu xilka isaga tagay, kadib fadeexad iyo cadaadis uu kala kulmay safar qarsoodi ah oo uu ku tagay dalka Iiraan. Sidoo kale wasiiradii cadaalada Norway, Sylvi Listhaug ayaa iyadna xilka isaga tagtay bilo kahor, markii ay baarlamaanku ku qabsadeen qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebooga.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments