Ardeyda jaamacada Stavanger oo kulan la qaatay wasiirka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya

0
110

Qaar kamid ah ardeyda soomaaliyeed ee wax ka dhigata jaamacada Stavanger ee magaalada Stavanger, ayaa kulan maanta oo arbaco la qaatay wasiirka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed oo  oo maalmahan ku sugnaa magaalada Stavanger. Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa qeyb ka ahaa shirweynaha shidaalka aduunka oo sanadkan lagu qabtay magaalada Stavanger ee dalkan Norway.

Sida ay NorSom News u sheegeen qaar kamid ah ardeyda kulankaas wasiirka la qaadatay, wasiirka ayaa ardeyda jaamacada Stavanger uga warbixiyay shaqada ay wasaaradiisu qabato, iyo himilada iyo rajoojinka ay dowladiisu ka qabto mustaqbalka ku aadan shidaalka Soomaaliya. Ardeyda ayaa dhankooda wasiirka weydiiyay su´aalo la xiriira shaqada wasaaradiisa, iyo socdaalka uu wafdigiisu ku joogo Stavanger.

Inta ugu badan ardeyda soomaalida ah ee maanta wasiirka kulanka la qaadatay ayaa jaamacada Stavanger ka dhigata maadooyin xiriir la leh shidaalka. Kuliyada cilmiga shidaalka ee jaamacada Stavanger ayaa kamid ah jaamacadaha ugu horeeyo aduunka ee culuumta dhanka shidaalka.

Reysulwasaaraha Soomaaliya oo khadka telefoonka kaga soo qeybgalay:

Sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ardeyda kulankaas joogtay, reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa khadka telefoonka kaga qeybgalay kulanka uu wasiirka shidaalka Soomaaliya, Cabdirashiid Axmed uu la qaatay ardeyda soomaalida ah ee jaamacada Stavanger.

Reysulwasaaraha ayaa ardeyda ku dhiirigaliyay inay ka miro-dhaliyaan waxbarashadooda jaamacadeed, si ay mustaqbalka u noqdaan kuwo anfaco naftooda, bulshada ay la noolyihiin iyo wadankii ay asal ahaan kasoo jeedeen ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale ardeyda uga mahadceliyay kulanka, wuxuuna dhankiisa ku dhiirigaliyay in waxbarashadooda dhameystaan, aysana ilaawin xiriirka ay la leeyihiin dadkooda soomaaliyeed ee ku dhaqan Soomaaliya.

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments