Qareen: Inta badan soomaalida qoxootinimada laga ceshtay, Norway ayay sii joogi doonaan: Waxaan dacwad ka gudbin UNE

0
84
Qareen Brynjulf Risney

Sanadkii 2016 hey´adda socdaalka iyo agaasinka soo galootiga dalkan Norway ee loo yaqaan UDI-da ayaa sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto baahida magangalyo ee 1400 soomaali ah, kuwaas oo heystay magangalyo kumeel gaar ah.

Sida uu maanta qoray webka TV-ga qaranka Norway ee NRK, ilaa hada UDI-du waxey go´aan ka gaartay kiisaska 200 oo dadkaas kamid ah, kuwaas oo 41 kamid ah lagu wargaliyay inaysan u baahneyn magangalyo, kadib dib u qiimeyn lagu sameeyay kiisaskooda. Halka UDI-du ay labo sano kadib, wali ka shaqeyneyso kiisaska 1100 qof oo dadkaas kamid ah, sida uu maanta qoray NRK.

Brynulf Risnes oo ah qareen u doodaya qaar kamid ah dadkaas soomaalida ah ayaa sheegay in inta badan dadka soomaalida ah ee lagala noqday magangalyada qoxootinimada, ay sii joogi doonaan Norway, isaga oo sheegay in celinta dadkaas aysan aheyn mid suurtogol noqon karto. Wuxuuna raaciyay in dad badan oo xitaa kamid ah kuwa qoxootiniamada lagala noqday ay u muuqato inay sii joogi doonaan Norway, maadaama ay jiraan qaladaad badan oo sharciga ku saabsan oo arintan la xiriira.

Qareenkan oo NRK la hadlay ayaa dhaliilsan qaabka ay UDI-du arintan uga shaqeyneyso, wuxuuna sharci daro ah ku tilmaamay go´aanada arintaas ku saabsan. Isaga oo raaciyay in xeerka qoxootiga ee caalamiga ah uu dadka qoxootiga ah siiyo xuquuq iyo degenaansho.

Brynulf Risnes ayaa sidoo kale sheegay in amniga Muqdisho uusan ka fiicneyn sidii uu ahaa xili kahor, aysana jirin isbuuc ka nabadgalyo badan kan kale. Isaga oo sheegay in celinta dadkaas aysan aheyn mid u muuqato suurtogal, kaliya laga luminayo waqti muhiim u ah oo ay bulshada kaga mid noqon lahaayeen.

Qareenkan ayaa ka digay inuu dacwad arintan ku saabsan ka gudbin doono hey´adda UNE oo ah hey´adda looga dacwoodo go´aamada ay gaarto

Waxey qofka u diideysaa inuu dadka dhexgalo: 

Maxamed Cabdulqaadir oo sheegay inuu yahay gudoomiyaha urur la baxay Somalisk organisasjon for menneskerettigheter og integrering in qiimeynta magangalyada qofka ee qaadata waqtiga dheer ay dhaawacyo maskaxeed iyo kuwo bulshada ay geysaneyso qofka jawaab sugaha ah. Isaga oo raaciyay inay qofka ka istaajineyso kamid noqoshada bulshada Norway.

Maxamed oo sheegay inay lasoo xiriireen dad badan oo jawaab sugayaal ah, qaarkoodna loo soo diray digniin la xiriirta in sharcigooda magangalyada laga ceshan karo.  wuxuuna raaciyay in qaar kamid ah dadkaas ay Norway kunoolyihiin 6 ilaa 7 sano.  Isaga oo sheegay in amaanka Muqdisho aysan jirin wax weyn oo iska badalay.

UNE ayaa dhankeeda sheegay inay fiirineyso dhankeeda kiisaska arintaas khuseeyo.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments