Orodyahan soomaali ah oo kaalinta labaad ka galey horyaalka tartanka orodka dheer ee dalkan Norway

0
121

Abduljaleel Hir oo ah orodyahan dhalinyaro soomaali ah ayaa kaalinta labaad ka galay tartanka 3000 M ee horyaalka orodada dhaadheer ee dalkan Norway, wuxuuna Ilbiriqsiyo ka danbeeyay qofka galay kaalinta koowaad ee Tom Erling Kårbø. Abduljaleel ayaa sidoo kale sanadkii hore kaalinta koowaad ka galay tartanka orodada horyaalka dhalinyarada.

Abduljaleel ayay dad badan aaminsanyihiin inuu mustaqbal fiican ku dhex leeyahay tartamada orodada Yurub iyo caalamka, sida ay horey u saadaaliyeen orodyahano hore oo caan ka ahaa tartamada orodadad dalkan Norway.

Wuxuu noqon karaa horyaalka Yurub:

Martin K. Andersen oo ah macalinka iyo tababaraha Abduljaleel ayaa aaminsan in orodyahankan uu asalkiisu soomaaliga yahay uu wali heysto waqti iyo fursad uu ku muujin karo hibadiisa iyo awoodiisa dhanka orodada. Wuxuuna sheegay inuu aaminsanyahay in Abduljaleel uu noqon karo horyaalka Yurub, hadii uu sii wado tababarka joogtada ah ee uu hado wado.

Abduljaleel ayaa ku biiraya safka dheer ee orodyahano asalkoodu uu soomaali yahay, kuwaas oo guulo waaweyn sanad walba kasoo hoya tartamada orodada wadamada ay deganyihiin.

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments