Qareenka Yuusuf oo booliska qaabilsan soo galootiga ka gudbiyay dacwad

0
153
Skjermdump/TV2

Warbaahinta dalkan Norway ayaa maalmihii ugu danbeeyay si aad ah u hadalheysay sheekada Yuusuf Ismaaciil oo ah 51 sano jir soomaali ah oo dalkan degenaa mudo ka badan 31 sano.

Bilowgii sanadkan ayay dowlada Norway Yuusuf u tarxiishay dalka Tanzania oo ay laamaha soo galootiga Norway sheegeen inuu  kasoo jeedo. Tanzania ayaa dhankeeda diiday inuu Yuusuf yahay muwaadin dalkaas u dhashay, waxeyna xabsi kadib u tarxiileen Soomaaliya, halkaas oo dowlada Norway ay mar kale Yuusuf kasoo qaaday, kuna soo celisay Norway.

Qareenka Yuusuf Ismaaciil, Arild Humlen ayaa sheegay inuu dacwad ka gudbiyay booliska Norway, gaar ahaan unuga qaabilsan arimaha soo galootiga. Wuxuuna ku dacweynayaa inay maxkamada u gudbiyeen warbixin aan sax aheyn, taas oo ku aadan in Tanzania ay aqbashay Yuusuf, inkasta oo aysan arintaas xaqiijin, ayna Yuusuf uga tageen garoonka. Tanzania ayaa yuusuf xirtay, waxeyna usii tarxiishay Soomaaliya.

Halkan ka daawo warbixinta TV2 ee arintan

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments