Norway: Waxaan rabnaa in lacagta kaalmada dhaqaale laga joojiyo soo galootiga aan luuqada baran

0
86
Gudoomiyaha FRP: Siv Jensen

Dowlada Norway ayaa sheegtay inay rabto in shuruud dheeri ah lagu xiro doono dadka soo galootiga ah ee kaalmada dhaqaale ka hela dowlada, isla markaana ay ku hadlin luuqada Norwiijiga.

Wasiirada maaliyada, ahna gudoomiyaha xisbiga Frp, Siv Jensen ayaa sheegtay in barashada luuqadu ay tahay shardi lagu xiri doono soo galootiga, ayna tahay inay tusaan rabitaan ah barashada luuqada wadanka. Iyada oo raacisay iney socon karin inuu qofka i dhiibo, uuna qabatimo ku noolaanshaha ceyrta ay dowladu bixiso.

Siv Jensen ayaa sheegtay in shardiga lagu xiro doono qaadashada kaalmada dhaqaale ee dowlada uu noqon doono barashada luuqada Norwiijiga. Iyada oo raacisay inay jiraan dad badan oo Norway kunool,aysan ku hadlin luuqada wadanka, isla markaana aysan qeyb ka aheyn bulshada. Si gaar ah waxey u sheegtay haweenka soo galootiga ah oo ay sheegtay inay muhiim u tahay barashada luuqada, si ay ula socdaan nolol maalmeedka caruurtooda ee iskuulada meelaha kale.

 Wasiirka isdhexgalka iyo waxbarashada Norway, Jan Tore Sanner ayaa dhankiisa sheegay in isbadal lagu sameyn doono barnaamijka introduksjonsprogramka ee loogu talagalay dadka wadanka ku cusub. Jan Tore ayaa sii raaciyay in aqoonta luuqadu uu noqon doono mid kamid ah qodobada lagu xiri doono dadka ka qeybqaata barnaamijka introga.

Warbixin soo baxday sanadkii lasoo dhaafay ee 2017 ayaa lagu soo bandhigay in kala bar dadka qaata kaalmada dhaqaale ee dowlada(ceyrta) ay yihiin dad soo galooti ah.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments