Reysulwasaaraha Soomaaliya oo arbacada la kulmi doono reysulwasaaraha Norway

0
168

Sida lagu sheegay war saxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska reysulwasaaraha Norway, reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa aroorta hore ee maalinta arbacada ah ee isbuuca soo socdo kulan la qaadan doono reysulwasaaraha dalkan Norway Erna Solberg. Kulanka labada reysulwasaare ayaa ka dhici doono xafiiska reysulwasaaraha Norway.

Reysulwasaaraha Soomaaliya ayaa Norway u imaan doono ka qeyb galka shir sanadeedka madasha Oslo Forum oo talaadada ka furmi doono duleedka magaaladan Oslo. Waxaana shirkaas kasoo qeybgali doono xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo madaxda wadamo badan oo caalamka ah.

Isla galabta arbacada ayaa lagu wadaa inuu Xasan Cali Kheyre kasoo qeybgalo kulan soo dhaweyn ah oo ay u qaban-qaabiyeen ururka ardeyda Soomaaliyeed ee Norway(SSF). Kheyre ayaa kamid ahaa aas-aasayaasha ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway oo hada dhisan mudo ka badan 24 sano.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments