Ururka ardeyda soomaaliyeed ee SSF oo kulan soo dhaweyn ah u qaban doonto reysulwasaaraha Soomaaliya

0
190

Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xacan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay maalinta berri ah kasoo degaan magaalada Oslo. Halkaas oo ay uga bilaaban doonto booqasho rasmi ah oo ay dalkan Norway afar maalin ku joogi doonaan.Waxaana wafdiga reysulwasaaraha kamid ah wasiirka maaliyada Soomaaliya, Dr Cabdirahmaan Ducaale Beyle.

Reysulwasaaraha Soomaaliya ayaa maalinta talaadada ah wax ka furi doono shir sanadeedka madasha Oslo forum, oo uu sanadkan ka qeybgali doono xoghayaha guud ee Qaramada midoobay António GuterresKheyre ayaa sidoo kale galinka hore ee arbacada kulan la qaadan doono reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg.

Kulanka soo dhaweynta SSF: 

Ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norway ayaa galinka danbe ee arbacada kulan soo dhaweyn ah u qaban doonto reysulwasaare Xasan Cali Kheyre oo kamid ahaa aas-aasayaashii ururka SSF. Kulankan ayaa ah mid u furan dhamaan dadka, ayna kasoo qeybgali karaan qeybaha bulshada oo dhan sida uu NorSom News u sheegay Cabdirisaaq Waxara-Cade oo kamid ah maamulka ururka ardeyda.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments